CIGAAL IYO BANDHIG FANEEDKIISII GENEVA
ufayn.com GENEVA
fanaanka soomaleyed ee axmed cali cigaal oo xalay xaflad aad loo soo
agaasimay ku qabtay swetzerland. Waxana ku soo dhoweeyeen jaaliyada somaliyeed ee swezerland bandhigaan oo kadhacay magalad geneva, ugu heray marku masraxa soo istaagay waxaa ubaxii soo dhoweeynta gudoon siisay luul oo matalaysay jaaliyada swetzarlend luul ayaa markay
ubaxa gudoonsiisay waxay hadal keedi ku bilooday mahad celin ay u mahad celinayso
fanaanka soomaliyeed ee axmed cali cigaal soo ajiibitaankii uu sameeyay
balankii laga sugayay sidookale waxaa jiray fanaaniin yaryar oo reer swiiska ah oo iyaguna caawinayay fanaanka inta uu nasanoyo heesa qaadayay
fanaaniintaas yaryar oo isgu jiray hablo iyo wiilalba kadib waxaa sitoos ah u bilaabatay.
xafladii oo uu heestii ugu horeeysay qaaday fanaanka deda yar ee ZAKI kadib ayaa waxaa masraxa soo koray fanaankii weeynaa ee somaaliyeed axmed cali cigaal
oo aad dadku usugaayeen una xiiseeynaayeen imaan shihiisa markii uu masraxa soo koray
fanaanku ayaa waxaa biloowday sacab iyo mashxarad iyo niyad wanaagsan oo
kamuuqanaysay dadka wajiyaashooda xaflada ayaa soconaysay muda dhan 7 saacadood
kadib uu fanaanku soo gabagabeeyay xafladan ayaa fanaanku waxa uu mahad balaaran u celiyay jaaliyada swetzarland iyo dhamaan shacabkii soomaliyeed oo kasoo qaybgalay
soodhoweeynta wanaagsan ay sameeyeen kadib xafladi markay soo gabagaboowday ayaa waxaan lakulanay saynab cali cigaal oo ah gabadhii uu uqaaday heesta walaashay gacalisoy.
1.zaynab ayaan waydiinay wakhtiguu heestaan uqaaday iyo sababta uu ugu qaaday?
saynab ayaa markaas noogu jawaabtay heestaan waxa uu qaaday 1987
sababta uu u qaadayna waxa ay ahayd dhawac rasaasa ayaa somaliya
kasoo gaaray kadib dhakhtar ayaan dibadda ugu soo qaaday kadib markuu caafimaaday
ayaan iri nin magacleh ayaa tahay ee dalkaaga kulaabo kadib
markuu laabtay ayuu heestaan iiqaaday isagoo igu amaanaya ayey tiri saynab ali oo nooga warameysay sababta uu heestan ugu qaaday walaalkeed.
Ugu dambeyntii xaflada ayaa kusoo idlaatay si habsami ah waxayna ahayd mid ay aad ugu qanceen dhamaan dadkii kasoo qaybgalay.
|