Mareykanka oo sheegay inuu Maxkamad soo taagayo Nin Eritrean ah oo lagu eedeeyay inuu tababarro iyo dhaqaale siiyay Xarrakatul-Shabaab
Talaado, Mar 09, 2010 (ufayn.com) - Dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in lagu xukumo nin u dhashay dalka Eritera oo lagu eedeeyay inuu tababarro iyo gargaar lacageed siiyay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Axmed ayaa laga soo qabtay dalka Nigeria iyadoo la gaarsiiyay Magaalada New York Sabtidii lasoo dhaafay, waxaana lagu wadaa in Maxkamad lasoo taago.
Eedeysanahan oo xiran dharka maxaabiista ayaa lasoo taagay Maxkamad waxaana lagu eedeeyay inuu lacag gaaraysa 3,000-Dollar uu siiyay Xarrakatul Shabaab uuna ka bixiyay tababarro ku saabsan sida loo sameeyo walxaha qaraxa saldhigyo ku yaalla Degmooyinka Baraawe iyo Kismaayo oo ay gacanta ku hayso Xarrakada.
Maxkamadda ayaa waxay soo bandhigtay cajalad muujinaysa isagoo tababar bixinaya, inkastoo garyaqaanka difaacaya uu sheegay inaysan jirin wax dambi ah oo uu qabo eedeysanahan oo muddo dheer ku noolaa dalka Sweden.
Tababarradan ayaa la sheegay inuu bixiyay sannadkii lasoo dhaafay ee 2009, inkastoo aanu isagu ka hadlin dambiga loo haysto, sidoo kalena Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaan weli ka hadlin dambiga lagu soo oogay ninkan.
Haddii dambiga loo haysto uu ku cadaado Axmed ayaa wuxuu mudan karaa xabsi ka badan 45-sano, iyadoo horay Maxkamdaha dalka Mareykanka loo horkeenay dad lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Xarrakatul Shabaabul Mujaahiidiin.
|